Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 148

SABUURRADII 148:1-8

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Rabbiga ammaana. Rabbiga samooyinka ka ammaana, Meelaha sarsarena ka ammaana.
2Malaa'igihiisa oo dhammow, ammaana isaga, Ciidankiisa oo dhammow, ammaana isaga.
3Qorraxda iyo dayaxow, ammaana isaga, Xiddigaha iftiinka oo dhammow, ammaana isaga.
4Ammaana isaga, samooyinka samooyinkow, Iyo biyaha samooyinka ka sarreeyow.
5Iyagu magaca Rabbiga ha ammaaneen, Waayo, isagu wuu amray, oo iyana way abuurmeen.
6Oo weliba isagaa adkeeyey iyaga weligood iyo weligoodba, Oo wuxuu sameeyey xad aan la gudbi doonayn.
7Rabbiga dhulka ka ammaana, Masbadeedyo iyo moolal oo dhammow,
8Dab iyo roobdhagaxyaale, baraf cad iyo ceeryaamow, Iyo dabayl duufaan ah oo eraygiisa oofiyow,

Read SABUURRADII 148SABUURRADII 148
Compare SABUURRADII 148:1-8SABUURRADII 148:1-8