Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 145

SABUURRADII 145:3-20

Help us?
Click on verse(s) to share them!
3Rabbigu waa weyn yahay, oo waa in aad loo ammaano, Weynaantiisuna waa mid aan la baadhi karin.
4Farcanba farcan ayuu shuqulladaada u ammaani doonaa, Oo waxay ka warrami doonaan falimahaaga waaweyn.
5Anigu waxaan ka fikiri doonaa haybadda ammaanta leh oo sharaftaada, Iyo shuqulladaada yaabka badan.
6Dadku waxay ka hadli doonaan xooggii falimahaaga cabsida badan, Oo anna waxaan sheegi doonaa weynaantaada.
7Waxay ku hadli doonaan wanaaggaaga badan xusuustiisa, Xaqnimadaadana way ka gabyi doonaan.
8Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad, Cadhona wuu u gaabiyaa, wuuna naxariis badan yahay.
9Rabbigu wax kasta wuu u roon yahay, Naxariistiisuna waxay ka sarraysaa shuqulladiisa oo dhan.
10Rabbiyow, shuqulladaada oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan, Oo quduusiintaaduna way ku ammaani doonaan.
11Waxay ka hadli doonaan sharafta boqortooyadaada, Oo waxay ka sheekaysan doonaan xooggaaga,
12Si ay binu-aadmiga u ogeysiiyaan Ilaah falimihiisa waaweyn, Iyo ammaanta haybadda boqortooyadiisa.
13Boqortooyadaadu waa boqortooyo daa'imis ah, Oo dawladnimadaaduna way sii waartaa tan iyo ab ka ab.
14Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa kufa oo dhan, Oo wuxuu toosiyaa kuwa gota oo dhan.
15Wax kasta indhahoodu adigay wax kaa sugayaan, Oo quudkoodana waad siisa xilligiisa.
16Gacantaadaad furtaa, Oo waxaad dherjisaa wax kasta oo nool.
17Rabbigu jidadkiisa oo dhan wuu ku qumman yahay, Oo shuqulladiisa oo dhanna wuu ku nimco badan yahay.
18Rabbigu waa u dhow yahay inta isaga barida oo dhan, Kuwaas oo ah inta runta ku barida oo dhan.
19Kuwa isaga ka cabsada waxay doonayaanba wuu siin doonaa, Oo weliba qayladoodana wuu maqli doonaa, wuuna badbaadin doonaa iyaga.
20Rabbigu inta isaga jecel oo dhan wuu ilaaliyaa, Laakiinse kuwa sharka leh oo dhan wuu wada baabbi'in doonaa.

Read SABUURRADII 145SABUURRADII 145
Compare SABUURRADII 145:3-20SABUURRADII 145:3-20