Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 142

SABUURRADII 142:1-6

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Anigu codkaygaan Rabbiga ugu qayshadaa, Oo codkaygaan Rabbiga ku baryaa.
2Oo hortiisaan ku cawdaa, Oo dhibaatadaydana hortiisaan ku muujiyaa.
3Markii naftaydu gudahayga ku itaal darnaatay, waddadayda waad tiqiin, Jidka aan ku socdona dabin bay iigu qariyeen.
4Bal fiiri xaggayga midig, oo bal arag, Waayo, nin i yaqaan ma jiro, Meel aan magangalo ayaan waayay, ninna naftayda dan kama leh.
5Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, Oo waxaan idhi, Waxaad tahay magangalkayga, Iyo qaybta aan dalka kuwa nool ku leeyahay.
6Qayladayda dhegayso, waayo, aad baa hoos laygu dejiyey, Kuwa i silciya iga samatabbixi, waayo, iyagu way iga xoog badan yihiin.

Read SABUURRADII 142SABUURRADII 142
Compare SABUURRADII 142:1-6SABUURRADII 142:1-6