Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 119

SABUURRADII 119:167-176

Help us?
Click on verse(s) to share them!
167Naftaydu waxay dhawrtay markhaatifurkaaga, Oo anna aad iyo aad baan u jeclahay.
168Waxaan dhawray amarradaada iyo markhaatifurkaaga, Waayo, jidadkayga oo dhammu hortaaday wada yaalliin.
169Rabbiyow, qayladaydu ha ku soo dhowaato hortaada, Oo waxgarasho ii sii si eraygaaga waafaqsan.
170Baryootankaygu hortaada ha yimaado, Oo ii samatabbixi si eraygaaga waafaqsan.
171Bushimahaygu ammaan ha ku hadleen, Waayo, waxaad i bartaa qaynuunnadaada.
172Carrabkaygu ha ku gabyo eraygaaga, Waayo, amarradaada oo dhammu waa wada xaqnimo.
173Gacantaadu diyaar ha u ahaato inay i caawiso, Waayo, amarradaadaan doortay.
174Rabbiyow, badbaadintaada, waan u xiisooday, Oo sharcigaaguna waa waxa iga farxiya.
175Naftaydu ha iska noolaato, wayna ku ammaani doontaa, Oo xukummadaaduna ha i caawiyaan.
176Waxaan u hallaabay sidii lax luntay, haddaba anigoo addoonkaaga ah i doondoon, Waayo, amarradaada ma aan illoobo.

Read SABUURRADII 119SABUURRADII 119
Compare SABUURRADII 119:167-176SABUURRADII 119:167-176