Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - ROOMA - ROOMA 4

ROOMA 4:5-12

Help us?
Click on verse(s) to share them!
5Laakiin kii aan shaqayn illowse rumaysta kan xaq ka dhiga kuwa aan cibaadada lahayn, rumaysadkiisa waxaa lagu tiriyaa xaqnimo.
6Sida Daa'uudna uga sheegayo barakadii ninkii Ilaah xaq u tiriyo shuqullola'aantood, isagoo leh,
7Waxaa barakaysan kuwa xadgudubyadooda la cafiyey, Oo dembiyadooda la daboolay.
8Waxaa barakaysan ninkii Rabbigu uusan dembi u tirinayn.
9Haddaba barakadan miyaa lagaga hadlay kuwa gudan oo keliya, mise kuwa buuryoqabka ahna waa lagaga hadlay? Waayo, waxaannu nidhaahnaa, Ibraahim rumaysadkiisii waxaa loogu tiriyey xaqnimo.
10Sidee baa haddaba loogu tiriyey? Ma markuu gudnaa, mise markuu buuryoqabka ahaa? Ma aha markuu gudnaa, laakiinse waa markuu buuryoqabka ahaa;
11oo wuxuu helay calaamada gudniinta, tan ahayd shaabaddii xaqnimada oo rumaysadkii uu haystay intuu buuryoqabka ahaa; inuu noqdo aabbihii inta rumaysata oo dhan in kastoo ay buuryoqab yihiin, in xaqnimo loo tiriyo iyaga,
12iyo inuu aabbaha gudniinta u noqdo kuwa aan ahayn kuwa gudan oo keliya laakiinse kuwa ku socda tallaabooyinka rumaysadka ee Aabbeheen Ibraahim haystay intuu buuryoqabka ahaa.

Read ROOMA 4ROOMA 4
Compare ROOMA 4:5-12ROOMA 4:5-12