Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - ROOMA - ROOMA 16

ROOMA 16:3-22

Help us?
Click on verse(s) to share them!
3Igu salaama Bariska iyo Akula kuwa iila shaqeeya Ciise Masiix,
4oo noloshayda aawadeed qoortooda u dhibay. Keligay uma mahadnaqayo, laakiinse kiniisadaha dadka aan Yuhuudda ahayn oo dhammuna ay ku mahadnaqayaan.
5Iguna salaama kiniisadda gurigooda ku jirta. Igu salaama gacaliyahay Ebaynetos, kan ah midhaha ugu horreeya ee Aasiya xagga Masiixa.
6Maryanna igu salaama, tan aad idiinku dadaashay.
7Igu salaama Andaronikos iyo Yuniyas oo xigaalkayga ah oo layla xidhay, kuwa caanka ku ah rasuullada dhexdooda, kuwa hortayna Masiixa ku jiray.
8Ambaliyas, gacaliyahayga xagga Rabbigana igu salaama.
9Urbanos kan Masiixa noola shaqeeya iyo gacaliyahay Istakhusna igu salaama.
10Abellees kan Masiixu u bogayna igu salaama. Kuwa reer Aristobulosna igu salaama.
11Xigaalkay Herodiyosna igu salaama. Iguna salaama kuwa reer Narkisos oo Rabbiga ku jira.
12Tarufayna iyo Tarufoosa oo Rabbiga u shaqeeyana igu salaama. Gacaliso Bersis oo Rabbiga aad ugu shaqaysayna igu salaama.
13Igu salaama Rufus kan Rabbigu doortay iyo hooyadiis oo hooyaday oo kale ah.
14Igu salaama Asunkiritos, iyo Filegoon, iyo Hermees, iyo Batrobas, iyo Hermaas, iyo walaalaha iyaga la jooga.
15Igu salaama Filologos, iyo Yulya, iyo Neere'us, iyo walaashiis, iyo Olumbas, iyo quduusiinta iyaga la jooga oo dhan.
16Midkiinba midka kale ha ku salaamo dhunkasho quduus ah. Kiniisadihii Masiixa oo dhammu waa idin soo salaamayaan.
17Haddaba walaalayaalow, waxaan idinka baryayaa inaad fiiro u lahaataan kuwa kicinaya iskala qaybinta iyo xumaatooyinka oo ka geesta ah cilmiga aad barateen, kana leexda iyaga.
18Kuwa caynkaas ahu Rabbigeenna Masiix uma adeegaan, laakiinse waxay u adeegaan calooshooda; hadalkooda macaan oo wanaagsan bay ku khiyaaneeyaan qalbiyada jaahiliinta.
19Warkii addeeciddiinnu wuxuu gaadhay dadka oo dhan. Sidaas daraaddeed aad baan idiinku faraxsanahay, laakiin waxaan jeclaan lahaa inaad garaad u lahaataan waxa wanaagsan, oo aad ka eedla'aataan waxa sharka ah.
20Oo Ilaaha nabaddu Shayddaan buu haddiiba cagihiinna hoostooda ku burburin doonaa. Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto.
21Waxaa idin soo salaamaya Timoteyos oo ila shaqeeya, iyo Lukiyos, iyo Yasoon, iyo Soosibater, iyagoo ah xigaalkayga.
22Anigoo Tertiyos ah oo warqaddan qoray, Rabbigaan idinku salaamayaa.

Read ROOMA 16ROOMA 16
Compare ROOMA 16:3-22ROOMA 16:3-22