Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - MAAHMAAHYADII - MAAHMAAHYADII 8

MAAHMAAHYADII 8:20-35

Help us?
Click on verse(s) to share them!
20Anigu waxaan ku socdaa jidka xaqnimada, Iyo waddooyinka garta dhexdooda,
21Si aan kuwa i jecel uga dhigo inay maal dhaxlaan, Oo aan khasnadahooda ugu buuxiyo.
22Rabbigu wuxuu i lahaan jiray bilowgii jidkiisa Iyo shuqulladiisii hore ka hor.
23Aniga aakhirada hore waa lay taagay, waxaan jiray bilowgii ugu horreeyey, Ama intaan dunidu jirin ka hor.
24Anigu waxaan dhashay intaan moolal jirin ka hor, Iyo intaanay jirin ilo biyo ka buuxaan.
25Intaan la qotomin buuraha Iyo kuraha ka hor ayaan anigu dhashay,
26Intaanuu isagu samayn dhulka iyo berrimmada, Amase ciiddii dunida ugu horraysay.
27Markuu samooyinka hagaajiyey anigu waan joogay, Markuu xariijinta ku wareejiyey moolka dushiisa,
28Markuu cirka sare taagay, Markii ilaha moolku xoog yeesheen,
29Markuu badda xad u yeelay Si aan biyuhu amarkiisa ugu xadgudbin, Markuu aasaaskii dhulka dhigay,
30Markaas anigu isagaan dhinac joogay, anigoo ah sidii hawlhoggaamiye, Oo anigu maalin kasta faraxiisaan ahaa, Oo mar kasta hortiisaan ku rayrayn jiray;
31Waxaan ku rayrayn jiray inta dhulkiisa la degay, Oo waxaan ku farxi jiray binu-aadmiga.
32Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla; Waayo, waxaa barakaysan kuwa jidadkayga xajiya.
33Edbinta dhegaysta, oo caqli yeesha, Oo ha diidina.
34Waxaa barakaysan ninka i maqla, Oo maalin kasta irdahayga igu dhawra, Oo albaabbadayda igu suga.
35Waayo, ku alla kii i helaa wuxuu helaa nolol, Oo Rabbiguna raalli buu ka ahaan doonaa.

Read MAAHMAAHYADII 8MAAHMAAHYADII 8
Compare MAAHMAAHYADII 8:20-35MAAHMAAHYADII 8:20-35