Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - MAAHMAAHYADII - MAAHMAAHYADII 6

MAAHMAAHYADII 6:15-24

Help us?
Click on verse(s) to share them!
15Haddaba sidaas daraaddeed masiibadiisu degdeg bay u iman doontaa, Oo dhaqso buu u jabi doonaa, dawona ma leh.
16Waxaa jira lix waxyaalood oo uu Rabbigu neceb yahay, Haah, toddoba ayaa naftiisu aad u karahdaa,
17Waana indho kibir badan, carrab been sheega, Iyo gacmo dhiig aan eed lahayn daadiya,
18Qalbi male shar ah hindisa, Iyo cago xumaan ku degdega,
19Markhaati been ah oo been sheega, Iyo kii muran dad walaalo ah ku dhex beera.
20Wiilkaygiiyow, qaynuunka aabbahaa xaji, Oo amarka hooyadaana ha ka tegin.
21Had iyo goorba qalbiga ku sido, Oo qoortana ku xidho.
22Markaad socotid wuu ku hoggaamin doonaa, Oo markaad seexatidna wuu ku dhawri doonaa, Markaad toostidna wuu kula hadli doonaa.
23Waayo, qaynuunku waa laambad, amarkuna waa iftiin, Oo canaanashada edbintuna waa jidkii nolosha,
24Inay kaa dhawraan naagta sharka ah, Iyo sasabashada carrabka naagta qalaad.

Read MAAHMAAHYADII 6MAAHMAAHYADII 6
Compare MAAHMAAHYADII 6:15-24MAAHMAAHYADII 6:15-24