Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - MAAHMAAHYADII - MAAHMAAHYADII 25

MAAHMAAHYADII 25:18-27

Help us?
Click on verse(s) to share them!
18Ninkii deriskiisa marag been ah ku furaa Waa sida budh iyo seef iyo fallaadh af badan oo kale.
19In wakhtiga dhibaatada nin aaminlaawe ah laysku halleeyo Waa sida ilig jaban iyo cag murkacatay oo kale.
20Kii qalbi murugaysan u gabyaa Waa sida mid maalin qabow huwiska iska qaada iyo sida khal soodhe lagu shubo oo kale.
21Cadowgaagu hadduu gaajaysan yahay, wax uu cuno sii, Hadduu harraadsan yahayna waraabi,
22Waayo, dhuxulo dab ah ayaad madaxiisa ku tuuli doontaa, Oo Rabbiguna waa kuu abaalgudi doonaa.
23Dabaysha woqooyi roob bay keentaa, Sidaas oo kale carrabkii xan badanna weji cadhaysan buu keenaa.
24In guriga dushiisa dhinac laga joogo ayaa ka roon In guri weyn naag muran badan lala joogo.
25Warkii wanaagsan oo dal fog ka yimaadaa Waa sida biyo qabow ay naf harraadsan u yihiin oo kale.
26Ninkii xaq ah ee kii shar leh isu dhiibaa Waa sida durdur qasmay iyo sida il biyood oo wasakhowday oo kale.
27In malab badan la cunaa ma wanaagsana, Sidaas oo kalena in ammaan la doondoontaa ammaan ma aha.

Read MAAHMAAHYADII 25MAAHMAAHYADII 25
Compare MAAHMAAHYADII 25:18-27MAAHMAAHYADII 25:18-27