Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - MAAHMAAHYADII - MAAHMAAHYADII 23

MAAHMAAHYADII 23:3-14

Help us?
Click on verse(s) to share them!
3Cuntadiisa macaan ha damcin, Waayo, waa cunto khiyaaneed.
4Ha isku daalin si aad taajir ku noqotid. Oo xigmaddaadana ka joogso.
5Ma waxaad indhaha ku dayaysaa wax aan jirin? Waayo, hubaal maalku wuxuu yeeshaa baalal, Sida gorgor samada u duula oo kale.
6Kan isha sharka leh kibistiisa ha cunin, Cuntadiisa macaanna ha damcin,
7Waayo, isagu waxaa weeye siduu qalbiga kaga fikiro; Wuxuu kugu leeyahay, Cun oo cab, Laakiinse qalbigiisu kulama jiro.
8Wixii aad cuntay waad soo mantagi doontaa, Oo erayadaadii macaanaana way kaa lumi doonaan.
9Nacas waxba ha kula hadlin, Waayo, isagu xigmadda hadalkaaga wuu quudhsan doonaa.
10Soohdintii hore ha durkin, Beeraha agoommadana ha dhex gelin,
11Waayo, bixiyahoodu waa xoog badan yahay; Oo isaga ayaa dacwadooda kugu qaadi doona.
12Qalbigaaga edbinta u jeedi, Oo dhegahana erayada aqoonta.
13Ilmaha edbin ha u diidin, Waayo, haddaad isaga ul ku garaacdid, ma dhiman doono.
14Ul baad isaga ku garaaci doontaa, Oo naftiisaad She'ool ka samatabbixin doontaa.

Read MAAHMAAHYADII 23MAAHMAAHYADII 23
Compare MAAHMAAHYADII 23:3-14MAAHMAAHYADII 23:3-14