Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - MAAHMAAHYADII - MAAHMAAHYADII 16

MAAHMAAHYADII 16:25-33

Help us?
Click on verse(s) to share them!
25Waxaa jirta waddo dadka la qumman, Laakiinse dhammaadkeedu waa jidadkii dhimashada.
26Kii hawshooda gaajadiisuu u hawshoodaa, Waayo, afkiisaa qasba isaga.
27Ninkii waxmatare ahu xumaan buu qodqodaa, Oo bushimihiisana waxaa ku jira dab wax gubaya.
28Ninkii qalloocanu muran buu beeraa, Oo kii xan badanuna wuxuu kala kaxeeyaa saaxiibbo.
29Ninka wax dulmaa deriskiisuu sasabtaa, Oo wuxuu u kaxeeyaa jid aan wanaagsanayn.
30Kii indhaha isugu qabta inuu wax qalloocan hindiso, Oo bushimihiisa qaniinaa, shar buu soo wadaa.
31Madaxa cirro lahu waa taaj sharfeed Haddii laga helo jidka xaqnimada.
32Kii cadhada u gaabiyaa waa ka wanaagsan yahay kii xoog badan, Oo kii ruuxiisa xukumaana waa ka wanaagsan yahay kii magaalo qabsada.
33Saamiga waxaa lagu tuuraa dhabta, Laakiinse go'aankiisa oo dhan Rabbigaa leh.

Read MAAHMAAHYADII 16MAAHMAAHYADII 16
Compare MAAHMAAHYADII 16:25-33MAAHMAAHYADII 16:25-33