Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - LUUKOS - LUUKOS 4

LUUKOS 4:25-40

Help us?
Click on verse(s) to share them!
25Laakiin runtii waxaan idinku leeyahay, Wakhtigii Eliyaas waxaa Israa'iil ku jiray carmallo badan oo nimankoodii ka dhinteen markii cirku saddex sannadood iyo lix bilood xidhmay oo abaar weyni dhulka oo dhan ka dhacday.
26Laakiin middoodna Eliyaas looma dirin, naag carmal ah oo magaalada Sarefta oo dalka Siidoon ku jirtay maahee.
27Wakhtigii Nebi Eliishaana waxaa Israa'iil ku jiray dad badan oo baras leh, midkoodna lama daahirin Nacamaan reer Suuriya maahee.
28Markii kuwii sunagogga ku jiray oo dhan waxaas maqleen ayay aad u cadhoodeen.
29Markaasay kaceen oo magaaladii ka saareen, waxayna u kaxeeyeen buurtii magaaladoodii ka dhisnayd qarkeedii inay ka tuuraan.
30Laakiin isagu intuu dhex maray ayuu iska tegey.
31Wuxuuna u degay Kafarna'um oo magaalada Galili ah. Oo maalmihii sabtida ayuu dadka wax barayay.
32Waxbariddiisiina way la yaabeen, waayo, hadalkiisu amar buu lahaa.
33Waxaana sunagogga joogay nin jinni wasakh leh qaba. Cod weyn ayuu ku qayliyey, oo wuxuu yidhi,
34Na daa! Maxaa inoo dhexaya, Ciise reer Naasaredow? Ma waxaad u timid inaad na baabbi'iso? Anigu waa ku garanayaa kii aad tahay, Kan Quduuska ah ee Ilaah.
35Ciise baa canaantay oo ku yidhi, Aamus oo ka soo bax. Jinniguna goortuu ninkii dhexda ku tuuray ayuu ka soo baxay, waxbana ma uu yeelin.
36Yaab weyn ayaa ku wada dhacay; wayna isla wada hadleen oo yidhaahdeen, Waa maxay hadalkan? waayo, jinniyada wasakhda leh ayuu amar iyo xoog ku xukumaa, wayna ka baxaan.
37Meel kasta oo dalka ku wareegsan ayaa warka isaga ku saabsan gaadhay.
38Markaasuu sunagoggi ka soo kacay, oo wuxuu galay gurigii Simoon. Simoon soddohdiisna qandho weyn ayay qabtay, markaasay isaga u baryeen aawadeed,
39oo intuu isa soo dul taagay ayuu qandhadii canaantay, wayna daysay. Kolkiiba way kacday oo u adeegtay iyagii.
40Markii qorraxdu sii dhacaysay, dadkii oo dhan oo lahaa dad cudurro kala cayncayn ah qabay ayay isaga u keeneen; mid kastaba gacmihiisuu saaray oo bogsiiyey.

Read LUUKOS 4LUUKOS 4
Compare LUUKOS 4:25-40LUUKOS 4:25-40