Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - LUUKOS - LUUKOS 2

LUUKOS 2:4-50

Help us?
Click on verse(s) to share them!
4Yuusufna Galili ayuu ka kacay, oo magaaladii Naasared ka tegey, oo wuxuu aaday Yahuudiya ilaa magaaladii Daa'uud oo Beytlaxam la odhan jiray, maxaa yeelay, wuxuu ahaa dadkii iyo dhashii Daa'uud,
5in lala qoro Maryan oo ahayd tii u doonanayd oo uurka lahayd.
6Waxaa dhacay kolkay halkaas joogeen in maalmihii ay umuli lahayd dhammaadeen,
7waxayna umushay wiilkeedii curadka ahaa, markaasay maro ku duudduubtay oo qabaal ku jiifisay, waayo, meel ay ku hoydaan ayay hudheelkii ka waayeen.
8Dalkaas waxaa jiray adhijirro bannaanka jooga oo habeenkii idahooda ilaalinaya.
9Malaa'igtii Rabbiga ayaa ag istaagtay, oo ammaanta Rabbiga ayaa iftiimisay hareerahooda, aad bayna u baqeen.
10Markaasaa malaa'igtii ku tidhi, Ha baqina, waayo, ogaada, waxaan idiin keenay war wanaagsan oo leh farxad weyn oo u ahaan dadka oo dhan.
11Waayo, maanta waxaa magaalada Daa'uud idiinku dhashay Badbaadiye oo ah Masiixa Rabbiga ah.
12Oo waxaa calaamo idiin ahaan tan, waxaad heli doontaan ilmo maro ku duudduuban oo ku jiifa qabaal.
13Dhaqsoba waxaa malaa'igtii la jirtay guuto fara badan oo jannada ka timid, wayna ammaanayeen Ilaah oo lahaayeen,
14Ilaah ha ku ammaanmo meelaha ugu sarreeya, Xagga dhulkana nabad ha ahaato dadka ka farxiya Ilaah dhexdooda.
15Waxaa dhacay markii malaa'igihii ka tageen oo jannada ku noqdeen in adhijirradii isku yidhaahdeen, Haddana aan tagno xataa ilaa Beytlaxam, aan aragnee waxaas dhacay oo Rabbiga ina ogeysiiyey.
16Markaasay dhaqso u yimaadeen oo waxay heleen Maryan iyo Yuusufba iyo ilmihii oo qabaal ku jiifa.
17Oo goortay arkeen, waxay ogeysiiyeen hadalka ilmahan looga sheegay iyaga.
18Dadkii maqlay oo dhanna ayaa ka yaabay waxyaalihii adhijirradu u sheegeen.
19Maryanse hadalkaas oo dhan ayay haysatay oo qalbigeeda kaga fikirtay.
20Adhijirraduna way noqdeen iyagoo Ilaah ku ammaanaya oo ku weynaynaya waxyaalihii ay maqleen oo ay arkeen oo dhan, sidii iyaga loogu sheegay.
21Goortii siddeed maalmood dhammaatay oo wiilkii la gudi lahaa, magiciisii waxaa loo baxshay Ciise, sida malaa'igtii ugu bixisay intaan uurka lagu uuraysan.
22Kolkii maalmihii nadiifiskeeda u dhammaadeen sidii sharciga Muuse lahaa, waxay geeyeen Yeruusaalem inay Rabbiga u dhiibaan
23(siday ugu qoran tahay sharciga Rabbiga, Curad walba oo lab ah waxaa loogu yeedhi doonaa quduus xagga Rabbiga),
24iyo inay allabari u bixiyaan siday ugu qoran tahay sharciga Rabbiga, Laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar.
25Bal eeg, waxaa Yeruusaalem joogay nin magiciisii ahaa Simecoon. Ninkaasu wuxuu ahaa nin xaq ah oo cibaado leh; wuxuuna sugayay gargaaridda Israa'iil. Ruuxii Quduuska ahaana waa dul joogay.
26Waxaana Ruuxii Quduuska ahaa u muujiyey inaanu dhimasho arag intaanu Rabbiga Masiixiisa arkin.
27Oo wuxuu Ruuxii ku galay macbudka, oo goortii waalidkii keeneen wiilkii Ciise ahaa inay caadadii sharciga ku sameeyaan,
28markaasuu gacmihiisa ku qaaday, oo Ilaah ammaanay, oo yidhi,
29Rabbiyow, imminka addoonkaagu nabad ha ku tago, Sida hadalkaagu ahaa,
30Waayo, indhahaygu waxay arkeen badbaadintaada,
31Tan aad dadka oo dhan hortiis hagaajisay,
32Oo ah iftiin quruumaha lagu muujiyo, Iyo ammaanta dadkaaga Israa'iil.
33Markaasaa aabbihiis iyo hooyadiis ka yaabeen waxyaalihii lagaga hadlay isaga.
34Simecoon ayaa iyaga u duceeyey, wuxuuna hooyadiis Maryan ku yidhi, Ogow, wiilkan waxaa loo dhigay dhicidda iyo kicidda kuwa badan oo Israa'iil ku jira, iyo calaamo ka gees ahaan lagaga hadlo,
35si ay qalbiyo badan fikirradoodu u muuqan doonaan. Adigana seef baa naftaada ka mudhbixi doonta.
36Waxaa jirtay nebiyad Anna la odhan jiray, ina Fanuu'eel, oo ahayd qoladii Aasheer, wayna da'weynayd; nin bayna la jirtay toddoba sannadood bikradnimadeeda dabadeed.
37Waxayna ahayd carmal xataa afar iyo siddeetan sannadood, macbudkana kama ay tegin, laakiin Ilaah ayay soon iyo salaad habeen iyo maalinba ku caabudaysay.
38Saacaddaas qudheeda ayay soo gashay oo Ilaah u mahadnaqday, oo kuwa furashada Yeruusaalem sugayay oo dhan ayay xaggiisa kala hadashay.
39Goortay wax walba dhammeeyeen sida sharciga Rabbigu leeyahay, waxay ku noqdeen Galili ilaa magaaladoodii Naasared.
40Wiilkii ayaa koray oo itaal weynaaday, waxaana ka buuxsantay xigmad; Ilaah nimcadiisuna way dul joogtay.
41Sannad walba waalidkiisii waxay Yeruusaalem u tegi jireen Iiddii Kormaridda.
42Goortuu laba iyo toban sannadood jiray ayay aadeen sidii caadadii iiddu u ahayd.
43Oo goortay maalmihii dhammaysteen, oo ay noqonayeen, ayaa Ciise wiilkii ahaa ku hadhay Yeruusaalem, waalidkiisuna ma ogayn,
44laakiin iyagoo u malaynaya inuu dadka la socdo, ayay maalin sii socdeen, markaasay ka dhex doondooneen xigaalkooda iyo kuway isbarteen.
45Oo markay heli waayeen ayay Yeruusaalem ku noqdeen oo ka doondooneen.
46Waxaa noqotay, saddex maalmood dabadeed, inay macbudka ka heleen isagoo macallimiinta dhex fadhiya oo dhegaysanaya oo wax weyddiinaya.
47Dadkii maqlay oo dhan ayaa la yaabay garashadiisii iyo jawaabihiisii.
48Goortay arkeen isagii way la yaabeen, oo hooyadiis ayaa ku tidhi, Wiilkaygiiyow, maxaad sidaas noo yeeshay? Bal eeg, aniga iyo aabbahaa caloolxumo waannu kugu doondoonnay.
49Markaasuu wuxuu ku yidhi, Maxaad ii doondoonayseen? Miyaanad ogayn inay igu waajib tahay inaan danta Aabbahay ku jeedo?
50Laakiin way garan waayeen hadalkii uu kula hadlay.

Read LUUKOS 2LUUKOS 2
Compare LUUKOS 2:4-50LUUKOS 2:4-50