Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - LAAWIYIINTII - LAAWIYIINTII 8

LAAWIYIINTII 8:28-35

Help us?
Click on verse(s) to share them!
28Kolkaasaa Muuse gacmahoodii ka qaaday oo wuxuu qurbaankii la gubayay kula dul gubay meesha allabariga, oo waxay ahaayeen quduuskadhigidda oo caraf udgoon loo bixiyo. Taasu waxay ahayd qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.
29Kolkaasaa Muuse qaaday sakaarkii, oo Rabbiga hortiisa ayuu ugu ruxruxay qurbaan la ruxruxo aawadiis, oo kaasu wuxuu ahaa qaybtii Muuse ku lahaa wankii quduuskadhigidda sidii Rabbigu Muuse ku amray.
30Markaasaa Muuse qaaday saliiddii lagu subkado qaarkeed iyo dhiiggii meesha allabariga ku kor yiil, oo wuxuu ku kor saydhsaydhay Haaruun, iyo dharkiisii, iyo wiilashiisii, iyo dharkii wiilashiisa, oo wuxuu quduus ka dhigay Haaruun iyo dharkiisii iyo wiilashiisii iyo dharkii wiilashiisaba.
31Markaasaa Muuse Haaruun iyo wiilashiisii ku yidhi, Hilibka waxaad ku ag karisaan iridda teendhada shirka, oo halkaas ku cuna hilibka iyo kibista dambiisha quduuskadhigidda ku jirta, sidaan u amray, oo aan u idhi, Haaruun iyo wiilashiisu waa inay cunaan.
32Oo hilibka iyo kibista wixii ka hadhana waa inaad dab ku gubtaan.
33Oo idinkuna waa inaydaan ka bixin iridda teendhada shirka intii toddoba maalmood ah, ilaa maalmaha quduus laydinka dhigay ay dhammaystirmaan, waayo, isagu wuxuu quduus idinka dhigayaa intii toddoba maalmood ah.
34Oo Rabbigu wuxuu amray in la yeelo sida maantadan la yeelay, in kafaaraggud laydiin sameeyo.
35Oo intii toddoba maalmood ah habeen iyo maalinba waa inaad ag joogtaan iridda teendhada shirka, oo Rabbiga amarkiisa xajiya yeydnan dhimanine, waayo, sidaasaa laygu amray.

Read LAAWIYIINTII 8LAAWIYIINTII 8
Compare LAAWIYIINTII 8:28-35LAAWIYIINTII 8:28-35