Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - LAAWIYIINTII - LAAWIYIINTII 26

LAAWIYIINTII 26:38-46

Help us?
Click on verse(s) to share them!
38Waxaad ku dhex baabbi'i doontaan quruumaha, oo dalka cadaawayaashiinnuna waa idin dhammaysan doonaa.
39Oo intii idinka hadhana iyagoo dalka cadaawayaashiinna jooga ayay xumaatadooda u dulloobi doonaan, oo weliba xumaatooyinkii awowayaashoodna ayay u dulloobi doonaan.
40Wayna qiran doonaan xumaatadoodii iyo xumaatadii awowayaashood, iyo xadgudubkii ay igu xadgudbeen, iyo weliba caasinimadii ay igu caasiyeen
41oo aan aawadeed iyaga gees uga noqday, oo aan dalkii cadaawayaashooda u geeyey. Markaas hadday qalbigooda buuryoqabka ah hoosaysiiyaan, oo ay aqbalaan taqsiirta xumaatadooda,
42ayaan soo xusuusan doonaa axdigaygii aan Yacquub la dhigtay, iyo weliba axdigaygii aan Isxaaq la dhigtay, oo weliba waxaan kaloo soo xusuusan doonaa axdigaygii aan Ibraahim la dhigtay, oo dalkana waan soo xusuusan doonaa.
43Oo iyagu dalka way ka tegi doonaan, oo wuxuu ku raaxaysan doonaa sabtiyadiisa intuu cidla yahay oo iyagu ay ka maqan yihiin oo dhan; oo iyaguna way aqbali doonaan taqsiirta xumaatadooda, maxaa yeelay, way diideen xukummadaydii, oo naftooduna qaynuunnadayday karahday.
44Laakiinse in kastoo ay saas sameeyeen anigu intay dalka cadaawayaashooda joogaan oo dhan iyaga diidi maayo, karhina maayo, wada baabbi'inna maayo, oo axdigaygii aan la dhigtay jebin maayo, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahooda ah.
45Laakiinse iyaga daraaddood ayaan u xusuusan doonaa axdigii aan la dhigtay awowayaashood, kuwaasoo aan, iyadoo ay quruumuhu u jeedaan, dalkii Masar uga soo bixiyey si aan iyaga Ilaah ugu ahaado, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.
46Kuwaasu waa qaynuunnadii iyo xukummadii iyo sharciyadii uu Rabbigu u dhexaysiiyey isaga qudhiisa iyo reer binu Israa'iil oo uu Muuse ugu soo dejiyey Buur Siinay.

Read LAAWIYIINTII 26LAAWIYIINTII 26
Compare LAAWIYIINTII 26:38-46LAAWIYIINTII 26:38-46