Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - GABAYGII SULAYMAAN - GABAYGII SULAYMAAN 6

GABAYGII SULAYMAAN 6:2-11

Help us?
Click on verse(s) to share them!
2Gacaliyahaygii wuxuu u dhaadhacay beertiisa, iyo beer qaybaheed oo dhir udgoon ah Inuu adhigiisa soo daajiyo beeraha dhexdooda, oo uu soo urursado ubaxshooshanno.
3Anigu waxaan ahay tii gacaliyahayga, oo gacaliyahayguna waa kaygii, Oo wuxuu adhigiisa daajiyaa ubaxshooshannada dhexdooda.
4Taan jeclahayay, waxaad u qurux badan tahay sida Tirsaah oo kale, Oo waxaad u suurad wacan tahay sida Yeruusaalem oo kale, Waxaana lagaaga cabsadaa sida ciidan calammo sita oo kale.
5Indhahaaga iga sii jeedi, Waayo, way iga adkaadeen. Timahaagu waa sida riyo Buur Gilecaad ka muuqda.
6Ilkahaaguna waa sida laxo Ka soo baxay meeshii lagu soo maydhay, Oo middood kastaaba mataano dhashay, Oo aan dhexdooda lagu arag mid dhicisay.
7Oo dhafoorradaada indhashareertaada ku qarsoonuna waa sida xabbad rummaan ah jeexeed.
8Waxaa jira lixdan boqoradood, iyo siddeetan naagood oo addoommo ah, Iyo gabdho aan tiro lahayn.
9Laakiinse qoolleydayda, iyo tayda sanu waa mid qudha. Iyadu waa tan keliya ee hooyadeed, Oo waa tan daahirsan ee tii iyada dhashay. Gabdhuhu iyaday arkeen oo waxay ku sheegeen mid barakaysan, Oo xataa boqoradihii iyo naagihii addoommaha ahaaba way ammaaneen.
10Waa tuma tan u soo muuqata sida kaaha waaberiga, Oo sida dayaxa u qurxoon, Ee sida qorraxda u daahirsan, Oo haddana looga cabsado sida ciidan calammo sita oo kale?
11Waxaan ku dhaadhacay beertii yicibta Inaan soo arko geedaha cagaarka ah ee dooxada, Iyo inaan soo arko bal in canabkii magoolay, Oo uu rummaankii ubxiyey iyo in kale.

Read GABAYGII SULAYMAAN 6GABAYGII SULAYMAAN 6
Compare GABAYGII SULAYMAAN 6:2-11GABAYGII SULAYMAAN 6:2-11