Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - GABAYGII SULAYMAAN - GABAYGII SULAYMAAN 4

GABAYGII SULAYMAAN 4:12-16

Help us?
Click on verse(s) to share them!
12Walaashayay, aroosaddaydiiyey, waxaad tahay sida beer la xidhay, Iyo ilbiyood la awday, iyo durdur la xidhay.
13Dhirtaadu waa beer ay ku dhex yaalliin rummaan, iyo dhir kale oo midho aad u wanaagsan, Iyo xinne iyo naaradiin,
14Naaradiin iyo huruud, Iyo kalamus iyo qorfe, iyo dhir kasta oo foox dhasha, Iyo malmal iyo cuud iyo dhir udgoon oo fiican oo dhan.
15Waxaad tahay ilbiyood beero waraabisa, Iyo ceel biyo nool leh, Iyo durdurro Buur Lubnaan ka soo qulqulaya.
16Dabaysha woqooyay, soo kac, oo tan koonfureeday, kaalay, Oo beertayda necaw ku afuufa si ay dhirteeda udgoonu uga soo carfaan, Gacaliyahaygu beertiisa ha soo galo oo midhaheeda wacan ha cuno.

Read GABAYGII SULAYMAAN 4GABAYGII SULAYMAAN 4
Compare GABAYGII SULAYMAAN 4:12-16GABAYGII SULAYMAAN 4:12-16