Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - FALIMAHA RASUULLADA - FALIMAHA RASUULLADA 5

FALIMAHA RASUULLADA 5:15-24

Help us?
Click on verse(s) to share them!
15xataa waxay noqotay inay kuwii bukay jidadka u soo saareen oo ku jiifiyeen sariiro iyo dermooyin si hooskiisu u dul maro qaarkood, markii Butros uu soo maro.
16Oo waxaa kaloo ku soo ururay dad badan oo ka yimid magaalooyinkii Yeruusaalem ku wareegsanaa, iyagoo wada dad buka iyo kuwo jinniyo wasakh lahu derdereen; oo kulligood waa la wada bogsiiyey.
17Laakiin waxaa kacay wadaadkii sare iyo kuwii la socday oo dhan, kuwaas oo ka mid ahaa dariiqada Sadukiinta; markaasay iyagoo aad u xanaaqsan,
18intay rasuulladii qabqabteen, xabsi ku rideen.
19Laakiin malaa'igtii Rabbiga ayaa habeennimo albaabbadii xabsiga ka furtay, oo intay dibadda u soo saartay, ku tidhi,
20Taga oo macbudka isdhex taaga, oo waxaad dadka kula hadashaan erayada oo dhan ee Noloshan.
21Markay taas maqleen ayay, intay aroortii macbudkii galeen, dadkii wax bareen. Laakiin wadaadkii sare iyo kuwii la jiray ayaa yimid, oo waxay isugu yeedheen shirkii iyo duqowdii reer binu Israa'iil oo dhan, markaasay cid u direen xabsigii in kuwii xidhnaa laga keeno.
22Laakiin saraakiishu markay xabsiga yimaadeen waa ka waayeen iyagii; markaasay shirkii ku noqdeen oo u warrameen,
23oo waxay ku yidhaahdeen, Waxaannu aragnay xabsigii oo aad u xidhan, oo nimankii ilaalinayayna albaabbada ka taagan yihiin; laakiin markaannu furnay, ninna waa ka waynay.
24Haddaba markii sirkaalkii macbudka iyo wadaaddadii sare hadalladaas maqleen, waxay la fajaceen waxyaalahaasu waxay noqon doonaan.

Read FALIMAHA RASUULLADA 5FALIMAHA RASUULLADA 5
Compare FALIMAHA RASUULLADA 5:15-24FALIMAHA RASUULLADA 5:15-24