Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - FALIMAHA RASUULLADA - FALIMAHA RASUULLADA 4

FALIMAHA RASUULLADA 4:8-16

Help us?
Click on verse(s) to share them!
8Markaasaa Butros oo Ruuxa Quduuska ahi ka buuxo wuxuu iyaga ku yidhi, Kuwiinnan dadka u taliya iyo waayeelladow,
9haddii maanta naloo imtixaamayo falimihii wanaagsanaa oo loo sameeyey nin xoogdaran iyo sidii ninkan loo bogsiiyey,
10dhammaantiin ogaada, idinka iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhammu, in magaca Ciise Masiix, kii reer Naasared, oo aad iskutallaabta ku qodobteen, oo Ilaah ka sara kiciyey kuwii dhintay, daraaddiis ninkanu isagoo bogsaday halkan hortiinna ah ku taagan yahay.
11Isagu waa dhagixii idinkoo wax dhisa aad diiddeen, oo noqday madaxa rukunka.
12Mid kale badbaadada lagama helo, maxaa yeelay, ma jiro magac kale samada hoosteeda oo dadka dhexdooda loo bixiyey oo waajib inoo ah inaynu ku badbaadno.
13Markay arkeen Butros iyo Yooxanaa dhiirranaantoodii, oo ay garteen inay yihiin niman aan wax baran, jaahiliinna ah, ayay yaabeen; markaasay garteen inay Ciise la joogi jireen.
14Markay arkeen ninkii la bogsiiyey oo la taagan iyaga, waxba way ka odhan kari waayeen.
15Laakiin intay amreen inay shirka dibadda uga baxaan, ayay wada hadleen iyagoo leh,
16Maxaynu nimankan ku samaynaa? Waayo, inay calaamo caan ah faleen waa u muuqataa kuwa Yeruusaalem jooga oo dhan; mana dafiri karno.

Read FALIMAHA RASUULLADA 4FALIMAHA RASUULLADA 4
Compare FALIMAHA RASUULLADA 4:8-16FALIMAHA RASUULLADA 4:8-16