Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - FALIMAHA RASUULLADA - FALIMAHA RASUULLADA 4

FALIMAHA RASUULLADA 4:33-37

Help us?
Click on verse(s) to share them!
33Oo rasuulladu xoog weyn bay sarakicidda Rabbi Ciise uga marag fureen; oo nimco badan baa dhammaantood ku soo dul degtay.
34Mid wax la'aana iyaga kuma jirin, waayo, in alla intii dhul ama guryo lahayd way iibiyeen, oo qiimihii wixii la iibiyey ayay keeneen,
35oo rasuullada soo hor dhigeen; oo waxaa wax loo qaybshay mid kasta siduu wax ugu baahnaa.
36Markaasaa Yuusuf oo rasuulladu ugu yeedhi jireen Barnabas, kan lagu micneeyey Wiilkii dhiirigelinta, oo qoladiisu Laawi ahayd oo reer Qubrus u dhashay,
37intuu beer uu lahaa iibshay ayuu lacagtii keenay oo soo hor dhigay rasuullada.

Read FALIMAHA RASUULLADA 4FALIMAHA RASUULLADA 4
Compare FALIMAHA RASUULLADA 4:33-37FALIMAHA RASUULLADA 4:33-37