Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - FALIMAHA RASUULLADA - FALIMAHA RASUULLADA 2

FALIMAHA RASUULLADA 2:26-45

Help us?
Click on verse(s) to share them!
26Taas aawadeed qalbigaygu waa farxay, carrabkayguna waa reyreeyey; Weliba jidhkaygu rajuu ku nasan doonaa.
27Maxaa yeelay, naftayda Haadees kuma dayn doontid, Kaaga Quduuska ahna uma dayn doontid inuu qudhun arko.
28Waxaad i tustay jidadka nolosha, Hortaadana farxad baad iga buuxin doontaa.
29Walaalayaalow, waxaan si bayaan ah idiinku sheegi karaa in awowe Daa'uud dhintay, lana aasay, xabaashiisuna ilaa maanta waa inagu dhex taal.
30Haddaba isagoo nebi ahaa oo ogaa in Ilaah dhaar ugu dhaartay isaga inuu dhashiisa midkood carshigiisa ku fadhiisin doono,
31wuxuu hore u arkay oo ka hadlay Masiixa sarakiciddiisa inaan isaga Haadees lagu dayn, jidhkiisuna qudhun arag.
32Ciisahan Ilaah baa sara kiciyey, annagoo dhammuna markhaatiyaal baan ka wada nahay.
33Haddaba isagoo Ilaah midigtiisa sare loogu qaaday, oo Aabbaha ka helay ballankii Ruuxa Quduuska ahaa, ayuu soo shubay waxan oo aad arkaysaan oo maqlaysaan.
34Maxaa yeelay, Daa'uud samooyinka kor uma aadin; laakiin isaga qudhiisaa leh, Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso
35Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo.
36Reer binu Israa'iil oo dhammu aad ha u ogaadeen in Ilaah ka dhigay Rabbi iyo Masiixba Ciisahan aad iskutallaabta ku qodobteen.
37Markay taas maqleen ayaa qalbiga laga wareemay, markaasay ku yidhaahdeen Butros iyo rasuulladii kale, Walaalayaalow, maxaannu falnaa?
38Markaasaa Butros iyagii ku yidhi, Toobadkeena, oo midkiin kasta ha lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix dembidhaafkiinna aawadiis, oo waxaad heli doontaan hadiyadda ah Ruuxa Quduuska ah.
39Maxaa yeelay, ballanka waxaa leh idinka iyo carruurtiinna iyo kuwa fog oo dhan in alla intii Rabbiga Ilaaheenna ahu u yeedho.
40Hadallo kaloo badan ayuu markhaati ahaan ugu waaniyey isagoo leh, Naftiinna ka badbaadiya qarnigan qalloocan.
41Markaasaa kuwii hadalkiisii aqbalay la baabtiisay, oo waxaa maalintaas lagu daray iyaga abbaaraha saddex kun oo qof.
42Oo waxay ku sii adkaysteen rasuulladu waxay bari jireen iyo xidhiidhka ka dhexeeyey iyaga, iyo kibista jebinteeda iyo tukasho.
43Oo naf kasta cabsi baa gashay; oo rasuulladii waxay sameeyeen yaabab iyo calaamooyin badan.
44Oo kuwii rumaystay oo dhammu waa wada jireen, wax walubana waa ka wada dhexeeyeen;
45oo intay iibiyeen waxyaalahoodii iyo alaabtoodiiba ayay dhammaan u wada qaybiyeen sidii nin kasta baahidiisu ahayd.

Read FALIMAHA RASUULLADA 2FALIMAHA RASUULLADA 2
Compare FALIMAHA RASUULLADA 2:26-45FALIMAHA RASUULLADA 2:26-45