Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - FALIMAHA RASUULLADA - FALIMAHA RASUULLADA 21

FALIMAHA RASUULLADA 21:17-27

Help us?
Click on verse(s) to share them!
17Markaannu Yeruusaalem nimidna walaalihii farxad bay nagu soo dhoweeyeen.
18Maalintii ku xigtayna Bawlos oo nala socda ayaannu waxaannu u tagnay Yacquub; waayeelladii oo dhammuna way joogeen.
19Markuu iyagii salaamay dabadeedna, mid mid buu ugu sheegay waxyaalihii Ilaah dadka aan Yuhuudda ahayn dhexdooda kaga sameeyey shuqulkiisa.
20Iyaguna, kolkay taas maqleen, ayay Ilaah ammaaneen; oo waxay ku yidhaahdeen isagii, Walaalow, waad aragtaa intay yihiin kumanyaalka rumaystay oo Yuhuudda ku dhex jira; kulligoodna sharcigay ku kulul yihiin.
21Iyagana waa loo sheegay wax kugu saabsan inaad Yuhuudda quruumaha ku dhex jirta bartid inay Muuse ka tagaan adigoo u sheegaya inaanay carruurtooda gudin oo aanay caadooyinka ku socon.
22Haddaba waa maxay? Way wada maqli doonaan inaad timid.
23Sidaas darteed waxaannu kuu sheegayno yeel. Waxaa nala jooga afar nin oo nidar galay;
24kuwaas kaxee oo isla daahiri oo kharashka iyaga ka bixi inay madaxa xiirtaan; markaasay dhammaan waxay wada ogaan doonaan inaanay waxba ahayn waxyaalihii lagaa sheegay, laakiin inaad adiga qudhaadu si hagaagsan u socotid oo aad sharciga dhawrtid.
25Laakiin wax ku saabsan dadkii aan Yuhuudda ahayn oo rumaystay ayaannu qornay, annagoo ku amrayna inay iska ilaaliyaan waxa sanamyada loo sadqeeyo, iyo dhiigga, iyo waxa la ceejiyo, iyo sinada.
26Markaasaa Bawlos nimankii kaxeeyey, oo maalintii dambena intuu iyagii isla daahiriyey ayuu macbudka galay, isagoo caddaynaya maalmihii isdaahirinta dhammaadkoodii, ilaa intii sadqada loo sadqeeyey mid kasta oo iyagii ka mid ahaa.
27Oo kolkii toddobadii maalmood u dhowayd inay dhammaadaan ayaa Yuhuuddii Aasiya ka timid isagii macbudka ku aragtay, markaasay dadkii oo dhan kiciyeen, wayna qabteen isagii,

Read FALIMAHA RASUULLADA 21FALIMAHA RASUULLADA 21
Compare FALIMAHA RASUULLADA 21:17-27FALIMAHA RASUULLADA 21:17-27