Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - FALIMAHA RASUULLADA - FALIMAHA RASUULLADA 20

FALIMAHA RASUULLADA 20:23-32

Help us?
Click on verse(s) to share them!
23in Ruuxa Quduuska ahi magaalo kasta iigu markhaati furo mooyaane, isagoo leh, Waxaa ku sugaya silsilado iyo dhibaatooyin.
24Laakiin naftayda uma xisaabo sidii mid qiimo ila leh, si aan u dhammeeyo tartankayga iyo shuqulkii aan Rabbi Ciise ka helay inaan u markhaati furo injiilkii nimcadii Ilaah.
25Hadda, bal eega, waxaan ogahay in dhammaantiin oo aan ku dhex wareegi jiray oo aan boqortooyada ku wacdiyi jiray aydnaan mar dambe wejigayga arki doonin.
26Sidaas daraaddeed waxaan maanta idiinku warramayaa inaan daahir ka ahay dadka oo dhan dhiiggiisa.
27Maxaa yeelay, dib ugama noqon inaan talada Ilaah oo dhan idiin sheego.
28Qudhiinnu isjira, idahana jira, kuwaasoo Ruuxa Quduuska ahu idiinka dhigay beldaajiyayaal inaad daajisaan kiniisadda Ilaah oo uu dhiiggiisa ku iibsaday.
29Waxaan ogahay markaan tago dabadeed inay idin dhex geli doonaan uubatooyin xunxun iyagoo aan idaha wax ka reebaynin;
30oo waxaa idinka dhex kici doona niman waxyaalo qalqalloocan ku hadlaya inay xertii u jiitaan xaggooda.
31Sidaas darteed, soo jeeda, idinkoo xusuusanaya in intii saddex sannadood ah aanan ka joogsan inaan mid kasta habeen iyo maalinba waaniyo anigoo ilmaynaya.
32Imminka waxaan idinku ammaano gelinayaa Ilaah iyo ereyga nimcadiisa kaasoo kara inuu idin dhiso oo dhaxal idinka dhex siiyo kuwa quduus laga dhigay oo dhan.

Read FALIMAHA RASUULLADA 20FALIMAHA RASUULLADA 20
Compare FALIMAHA RASUULLADA 20:23-32FALIMAHA RASUULLADA 20:23-32