Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - FALIMAHA RASUULLADA - FALIMAHA RASUULLADA 18

FALIMAHA RASUULLADA 18:19-23

Help us?
Click on verse(s) to share them!
19Markaasay waxay yimaadeen Efesos, oo halkaasuu iyagii kaga tegey; laakiin isagu wuxuu galay sunagogga oo la dooday Yuhuuddii.
20Oo markay weyddiisteen inuu wakhti ka sii dheer joogo, ma uu oggolaan;
21laakiin markuu ka tegey ayuu ku yidhi, Mar kalaan idiin soo noqon doonaa haddii Ilaah doonayo, markaasuu Efesos ka dhoofay.
22Oo markuu Kaysariya ku soo degay, ayuu wuxuu u aaday oo salaamay kiniisadda, markaasuu Antiyokh aaday.
23Markuu intii mudda ah meeshaas joogayna, wuu ka tegey, markaasuu meel meel u sii dhex maray dalalka Galatiya iyo Farugiya isagoo xertii adkaynaya.

Read FALIMAHA RASUULLADA 18FALIMAHA RASUULLADA 18
Compare FALIMAHA RASUULLADA 18:19-23FALIMAHA RASUULLADA 18:19-23