Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - FALIMAHA RASUULLADA - FALIMAHA RASUULLADA 16

FALIMAHA RASUULLADA 16:12-32

Help us?
Click on verse(s) to share them!
12markaasaannu meeshaas ka tagnay, oo waxaannu aadnay Filiboy, taas oo ah magaalomadaxda reer Makedoniya, oo ay reer Rooma u taliyaan, magaaladaas waxaannu joognay dhawr maalmood.
13Maalintii sabtida ahayd ayaannu iridda ka baxnay, oo waxaannu tagnay webi dhinaciis, meeshaas oo aannu u malaynay meel lagu tukado; markaasaannu fadhiisannay, oo waxaannu la hadallay dumarkii urursanaa.
14Oo naag Ludiya la odhan jiray, oo dhar guduudan iibin jirtay, oo magaalada Tu'ateyra ka iman jirtay, oo Ilaah caabudi jirtay baa na maqashay; taasoo Rabbigu qalbigeeda furay inay dhegaysato waxyaalihii Bawlos ku hadlay.
15Oo markii la baabtiisay iyada iyo dadkii gurigeeda, ayay naga bariday iyadoo leh. Haddaad qiyaasaysaan inaan Rabbiga aamin u ahay, gurigayga kaalaya oo jooga. Waana na yeelsiisay.
16Oo waxaa dhacday, markii aannu u sii soconnay meeshii lagu tukan jiray, in ay naga hor timid gabadh jinni wax sheega qabtaa, taasoo waxsheegiddeeda faa'iido badan ugu keeni jirtay sayidyadeeda.
17Taasaa Bawlos iyo annaga na soo raacday, wayna qaylisay iyadoo leh, Nimankanu waa addoommadii Ilaaha ugu sarreeya, kuwaasoo idinku wacdiyaya jidka badbaadada.
18Sidaasna maalmo badan ayay yeelaysay. Laakiin Bawlos oo ka xumaaday ayaa u jeestay oo jinnigii ku yidhi, Magaca Ciise Masiix ayaan kugu amrayaa inaad iyada ka soo baxdid. Markaasuu saacaddiiba ka soo baxay.
19Laakiin sayidyadeedii, markay arkeen in rajadii faa'iidadoodu dhammaatay, ayay Bawlos iyo Silas qabteen, oo waxay u jiideen suuqa, taliyayaasha hortooda,
20oo markay xaakinnadana u keeneen, waxay yidhaahdeen, Nimankanu iyagoo Yuhuud ah ayay si weyn magaaladayada u dhibayaan,
21oo waxay na barayaan caadooyin aan noo xalaal ahayn inaannu aqbalno oo yeelno annagoo reer Rooma ah.
22Markaasaa dadkii badnaa ku wada kaceen; oo xaakinnadiina dharkoodii bay ka jeexeen, waxayna ku amreen in la uleeyo.
23Oo markay ulo badan ku dhufteen, ayay xabsiga ku rideen iyagoo ku amraya xabsihayihii inuu aad u ilaaliyo;
24isaguna markuu amar caynkaas ah helay, wuxuu iyagii ku riday xabsigii ugu hooseeyey, cagahoodana qori buu aad ugu xidhay.
25Laakiin abbaaraha habeenbadhka Bawlos iyo Silas ayaa tukanayay oo Ilaah gabay ku ammaanayay, maxaabiistuna way dhegaysanayeen;
26oo filanla'aan waxaa dhacay dhulgariir weyn, sidaas darteed aasaaskii xabsigu waa ruxmay; oo markiiba albaabbadii oo dhammu waa wada furmeen; mid walbana silsiladihiisii waa ka furmeen.
27Xabsihayihiina markuu hurdada ka toosay oo arkay albaabbadii xabsiga oo wada furmay, ayuu seeftiisii la baxay oo ku dhowaaday inuu isdilo, maxaa yeelay, wuxuu u malaynayay maxaabiistii inay baxsatay.
28Laakiin Bawlos baa cod weyn ku qayliyey isagoo leh, Waxba ha isyeelin; maxaa yeelay, kulligayo halkaannu wada joognaa.
29Markaasuu cid u diray siraaddo, oo gudaha ku booday isagoo baqdin la gargariiraya, oo wuxuu ku hor dhacay Bawlos iyo Silas,
30markaasuu dibadda u soo saaray, oo ku yidhi, Sayidyadow, maxaa igu waajib ah inaan yeelo inaan ku badbaado?
31Kolkaasay ku yidhaahdeen, Rumayso Rabbi Ciise, waadna badbaadi doontaa, adiga iyo dadka gurigaaguba.
32Oo ereyga Rabbiga ayay kula hadleen isaga iyo kuwii gurigiisa joogay oo dhan.

Read FALIMAHA RASUULLADA 16FALIMAHA RASUULLADA 16
Compare FALIMAHA RASUULLADA 16:12-32FALIMAHA RASUULLADA 16:12-32