Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - EFESOS

EFESOS 6

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Carruurtay, waalidkiinna ku addeeca xagga Rabbiga, waayo, taasu waa qumman tahay.
2Qaynuunkii kowaad oo ballan la jiraa waa kan, Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus
3inaad nabdoonaatid oo cimrigaagu ku dheeraado dhulka.
4Aabbayaashow, carruurtiinna ha ka cadhaysiinina, laakiinse waxaad ku korisaan edbinta iyo waanada Rabbiga.
5Addoommadow, kuwa xagga jidhka sayidyadiinna ah ku addeeca cabsi iyo gariir iyo qalbi daacad ah sidaad Masiixa uga cabsataan oo kale.
6Ha ahaanina kuwo markii loo jeedo oo keliya shaqeeya sida kuwa dadka ka farxiya, laakiinse ahaada sida addoommada Masiixa, idinkoo doonista Ilaah xagga qalbiga ka samaynaya.
7Niyo wanaagsan ku adeega sida idinkoo Rabbiga u adeegaya oo aan dad u adeegin,
8idinkoo garanaya wax kasta oo wanaagsan oo mid kasta sameeyo inuu Rabbiga isla waxaas ka helayo hadduu yahay addoon iyo hadduu yahay xorba.
9Sayidyadow, idinkuna isla waxaas iyaga u sameeya, oo cabsiinta iska daaya, waayo, waad og tihiin inuu kan ah Sayidkooda iyo kiinnaba jannada ku jiro, oo uusan dadka u kala eexan.
10Ugu dambaysta waxaan idinku leeyahay, Ku xoogaysta Rabbiga iyo xoogga itaalkiisa.
11Oo hubka Ilaah oo dhan qaata, si aad u awooddaan inaad sirta Ibliiska hor istaagtaan.
12Waayo, innagu lama legdanno bini-aadan, laakiinse waxaynu la legdannaa kuwa madaxda ah iyo kuwa amarka leh iyo taliyayaasha dunida gudcurka ah iyo ruuxyada sharka ah oo samooyinka ku jira.
13Haddaba sidaas daraaddeed hubka Ilaah qaata si aad u awooddaan inaad maalinta sharka iyaga is-hor taagtaan, oo markaad saas oo dhan yeeshaan aad awooddaan inaad istaagtaan.
14Haddaba istaaga idinkoo runta dhexda ku xidhan, oo laabtana laabdhawrka xaqnimada ku xidhan,
15oo cagahana gashan isu-diyaarinta injiilka nabadda,
16oo weliba waxaa kaloo aad qaadataan gaashaanka rumaysadka, kaas oo aad ku awoodaysaan inaad ku wada demisaan kan sharka leh fallaadhihiisa ololaya oo dhan.
17Oo waxaad qaadataan koofiyada badbaadada iyo seefta Ruuxa oo ah erayga Ilaah.
18Mar kasta Ilaah wax kaga barya Ruuxa baryo iyo duco kastaba, oo taas ku dhawra adkaysasho oo dhan iyo u-ducaynta quduusiinta oo dhan.

19Oo anigana iigu soo duceeya in lay siiyo hadal aan afka ku furo inaan cabsila'aan u muujiyo qarsoodiga injiilka,
20kaas oo aan u ahay mid ergo ah oo silsilad ku xidhan, inaan cabsila'aan ugu hadlo sida igu waajibka ah.
21Laakiinse inaad ogaataan axwaashayda iyo sidaan ahayba, waxaa idiin wada sheegi doona Tukhikos oo xagga Rabbiga ku ah walaalkay gacaliye iyo midiidin aamin ah.
22Waxaan isaga idiinku soo diray isla sababtan inaad xaaladdayada ogaataan iyo inuu qalbigiinna dhiirrigeliyo.
23Walaalaha ha u ahaadeen nabad iyo jacayl rumaysad la jiro oo xagga Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbi Ciise Masiix ka yimid.
24Kulligood kuwa Rabbigeenna Ciise Masiix jacaylka aan dhammaanayn ku jecel, nimco ha u ahaato.